LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shiinaha oo xoojinaya taageerada waxbarashada Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, halkaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta tayada waxbarashada, kordhinta fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, maalgelinta mashaariicda waxbarashada iyo kobcinta karaanka aadanaha, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dardargeliyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal, iyagoo carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo taageerada lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto dib-u-habaynta iyo casriyeynta waxbarashada, iyadoo Shiinaha uu ka mid yahay dalalka taageerada muuqata ka geysta horumarinta waxbarashada iyo dhismaha awoodda aqooneed ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *