LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo Kale Oo Ka Goostay Garabkii Sheekh Aadan, Kuna Biiray Xoogagga Laftagareen

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo hore uga tirsanaa garabka taageersan Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ay ka goosteen safkiisii, isla markaana ay ku biireen ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, ciidamada cusub ee dhinaca beddelay ayaa lagu soo dhaweeyay deegaannada ku teedsan duleedka Baydhabo, halkaas oo toddobaadyadii u dambeeyay ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul xooggan oo u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaas uu hoggaaminayay Gaashaanle Maxamed Xasan Madkey, oo hore ula safnaa ciidamada taageersan Sheekh Aadan Madoobe, balse hadda lagu warramay inuu ku biiray garabka Laftagareen.

Goosashada cusub ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka aloosan Koonfur Galbeed ay weli taagan tahay, isla markaana labada garab ay sii wadaan dadaallada ay ku doonayaan inay ku ballaariyaan saameyntooda gudaha iyo hareeraha Baydhabo.

Inkastoo aan weli la caddeyn saameynta tooska ah ee ay yeelan doonaan isbeddelladan, haddana dhacdadan ayaa muujinaysa isbeddelka sii socda ee daacadnimada ciidamada ku sugan gobolka, xilli Baydhabo ay weli tahay xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah arrimaha siyaasadda iyo howlgalada amniga ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *