Al-Shabaab oo Lagu Kala Eryay Duleedka Waajid Kadib Weerar Ay Kusoo…

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa xalay iska caabiyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisimo ciidan oo ku yaalla duleedka degmada, sida ay sheegeen ilo amni oo deegaanka ah.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen fariisimaha ciidamada, balse ciidamada dowladda ay si degdeg ah uga jawaabeen, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad kooban oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay dib u riixaan weerarka, taasoo ku qasabtay maleeshiyaadka Al-Shabaab inay isaga baxaan goobta ay weerarka kusoo qaadeen.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda.
Degmada Waajid ayaa ka mid ah deegaannada gobolka Bakool ee marar badan ay ka dhaceen weerarro ay Al-Shabaab ku beegsadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira degmada iyo deegaannada ku dhow, iyadoo ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga.









