LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Siyaasiyiinta mucaaradka oo lagu Go’doomiyay Muqdisho & dagaal laga cabsi qabo

Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Muqdisho, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo fara badan ku daabushay xaafado ay degan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee qorsheynaya bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira Boolis, Millateri, NISA iyo Boolis Militaaro ayaa xalay ilaa saaka lagu arkayay hareeraha guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, halkaas oo la sheegay inay xalay ku hoydeen hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Jeneraal Cabdikariin Yuusuf Aadan (Koofi).

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay xireen waddooyinka gala gurigaasi, isla markaana ay adkeeyeen dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, si looga hortago abaabulka bannaanbaxa ay mucaaradku ku baaqeen inuu maanta ka dhaco Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, kuwaasi oo lagu arkayay waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah caasimadda Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ah ay ka cabsi qabaan in xaaladdu isu beddesho isku dhac amni.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa sidoo kale si weyn loo geeyay hoyga uu agagaarka Isgoyska Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada halkaasi la geeyay ay diideen in dadka ay galaan ama ka baxaan guriga Sheekh Shariif, taas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee magaalada.

Xaaladda guud ee Muqdisho saaka ayaa lagu tilmaamayaa mid aad u cakiran, iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayo ciidamo dheeraad ah, halka shacabka magaalada ay dareemayaan cabsi la xiriirta suurta-galnimada iska hor imaad u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka dowladda ayaa hore ugu dhawaaqay bannaanbaxyo ay ku diidan yihiin burburinta guryaha shacabka, barakicinta dadka rayidka ah iyo hanaanka doorashooyinka dalka, halka dowladda Federaalka ay siweyn uga soo horjeedo bannaanbaxa mucaaradka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *