Sheekh Shariif oo cambeereeyay tallaabo ay qaaday Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga Sacdiyo Macallin Cali oo maalintii labaad ku xiran magaalada Muqdisho.
Xisbiga ayaa sheegay in falka lagu qabtay Sacdiyo uu yahay mid sharci-darro ah, iyaga oo ku eedeeyay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka inay si aan waafaqsaneyn sharciga u afduubteen gabadha oo ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee caasimadda, isla markaana ku shaqeysata mooto bajaaj si ay u daboolto nolol maalmeedka qoyskeeda.
Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digay ciidamada ammaanka in aan loo adeegsan cabburinta bulshada, iyaga oo xusay in arrintaasi ay ka baxsan tahay waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambeyn, xisbiga ayaa farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo xusuusiyay in aan la aamusin karin codka bulshada iyadoo la adeegsanayo xarig iyo handadaad, waxayna dalbadeen in si deg deg ah xorriyaddeeda loo siiyo Sacdiyo Macallin Cali.










