LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga yeeray Xerada Xalane, Wakiilada Beesha Caalamka oo canaantay

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, shalay looga yeeray Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tegay Xerada Xalane kadib markii uu ka soo qeyb-galay munaasabaddii xuska 12-ka April ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee ku taalla Magaalada Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in kulankaas ay wakiillada beesha caalamka si adag ugu canaanteen Madaxweynaha, iyagoo ka muujiyay walaac ku aaddan tallaabooyin dhowaan uu qaaday.

Arrimaha sida gaarka ah loo soo hadal qaaday waxaa ka mid ah qabashada doorashooyin aan la isku raacsaneyn, xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo, iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo tallaabooyinka muranka dhaliyay, islamarkaana dib ugu laabto miiska wada-hadalka si xal wadajir ah looga gaaro khilaafaadka jira.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya oo ku saabsan kulankaas iyo eedeymaha la xiriira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *