LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ganacsatada Muqdisho oo Joojiyay isticmaalka Shilinka Soomaaliga

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, tallaabo muujineysa hoos u dhaca sii xoogeysanaya ee kalsoonida lagu qabo lacagta maxalliga ah.

Go’aankan ayaa imanaya xilli sannadihii u dambeeyay si tartiib tartiib ah uu u yaraayay adeegsiga shilinka Soomaaliga, iyadoo ganacsatada iyo shacabka intiisa badan ay u wareegeen isticmaalka lacagaha kale ee qalaad iyo kuwa dijitaalka ah. Ganacsatada ayaa sababta ugu weyn ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan muddo dheer dib u soo daabicin lacag cusub oo shilin ah, taasoo keentay in lacagtii hore ay noqoto mid duugowday, qiimaheediina hoos u dhaco.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee suuqyada Muqdisho, isticmaalka shilinka Soomaaliga ayaa noqday mid aan lagu kalsoonaan karin, isla markaana ay adag tahay in lagu kala iibsado badeecadaha, gaar ahaan kuwa qiimaha sare leh. Waxay sidoo kale tilmaameen in qiimaha shilinka uu si joogto ah isu beddelo, taasoo caqabad ku noqotay ganacsiga maalinlaha ah.

Dhanka kale, badi gobollada dalka ayaa horay uga baxay isticmaalka shilinka Soomaaliga, iyadoo shacabka ay si weyn ugu tiirsan yihiin lacagaha dijitaalka ah ee loo yaqaan “lacagta danabeysan” iyo doolarka Mareykanka. Nidaamka lacagaha elektarooniga ah ayaa si gaar ah ugu fiday magaalooyinka waaweyn, halkaas oo adeegyada sida EVC Plus iyo Sahal ay noqdeen kuwa ugu badan ee la adeegsado.

Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan go’aanka ganacsatada Muqdisho, hase yeeshee waxaa jira baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka lacagta dalka, lana soo celiyo kalsoonida lagu qabo shilinka Soomaaliga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *