Shaqaale u dhashay Kenya oo ka howlgalayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu wargaliyay in…

Shaqaale Kenyan ah oo ka howlgalayay Soomaaliya ayaa wajahaya inay waayaan shaqooyinkooda, kadib markii Qaramada Midoobay ay bilowday inay dhimista ku sameyso qaar ka mid ah howlaheeda iyo adeegyada ay ka waddo dalka.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay TUKO, ugu yaraan 10 shaqaale Kenyan ah oo ka tirsanaa kooxda taageerada xogta ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wargeliyay in qandaraasyadooda shaqo ay ku egyihiin 10-ka Sebtembar 2026.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu bilaabay qorshe lagu iibinayo qaar ka mid ah hantida uu howlgalka leeyahay, oo ay ku jiraan gaadiid, qalab culus, qalab dhanka tiknoolajiyadda ah iyo agab caafimaad.
Tallaabooyinkan ayaa la xiriira hoos u dhaca dhaqaale iyo dhimista miisaaniyadda, iyadoo laga cabsi qabo in shaqaale kale oo ka howlgalaya Soomaaliya ay iyaguna waayaan shaqooyinkooda.
Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerta howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada saadka, gaadiidka, caafimaadka, isgaarsiinta iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah howlgalka ciidamada.
Dhimista taageerada Qaramada Midoobay ayaa imaanaysa xilli howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu wajahayo caqabado dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in dhimista maalgelinta gargaarka ay saameyn ku yeelatay adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya.
Banaadir24 – Wararka Soomaaliya iyo caalamka.









