Xasan Sheekh oo beesha caalamka u jilcay, balse mucaaradka oo ku gacan sayray qorshaha Villa Somalia

Warar ay Banaadir24 Online ka heshay dhinacyada mucaaradka iyo muxaafidka ee isku haya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud uu beesha caalamka u sheegay inuu oggol yahay dhex-dhexaadintooda, iyadoo Villa Somalia ay wax ka beddeshay qaar ka mid ah qodobadii uu Golaha Mustaqbalka soo gudbiyay.
Sida xogtu tilmaamayso, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay in la dhiso guddi maareeya marxaladda kala guurka ah, balse Villa Somalia waxay guddigaas ugu magac-dartay “Task Force”, iyadoo doorkiisa iyo waajibaadkiisa la doonayo in la koobo.
Qodobka ugu weyn ee weli muranka ka taagan yahay ayaa ah cidda awoodda u leh magacaabista guddiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo warramayaa inuu ku adkeysanayo in magacaabista ay isaga u gaar tahay, halka Golaha Mustaqbalka uu dalabkaas si cad u diiday, isagoo ku doodaya in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday aan lagu aamini karin inuu kaligiis magacaabo guddiga.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ku adkeysanaya in guddiga si wadajir ah loo magacaabo, si loo helo hannaan ay dhinacyada siyaasadda oo dhan ku wada qanacsan yihiin.
Dhanka kale, soo-jeedimaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah in la diido waqtigii doorashada ee uu Golaha Mustaqbalka soo jeediyay. Villa Somalia ayaa sheegtay in jadwalka doorashada iyo howlaha farsamo ay tahay in laga wada hadlo guddiga ay iyadu magacaabayso.
Arrintan ayaa sii xoojinaysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo dhinacyada mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan cidda hoggaaminaysa marxaladda kala guurka iyo cidda go’aaminaysa mustaqbalka doorashada Soomaaliya.









