LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh oo farriin uusan jecleysan ka helay UK & Xaalad adag oo soo wajahday Villa Somalia

Dowladda UK ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud u dirtay fariin culus oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay muhiimadda wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo gaaro Soomaaliya ammaan iyo xasilloon.

Fariintan ayaa kusoo beegantay booqashadii Wasiirka UK ee Horumarinta iyo Afrika, Kirsty McNeill, ay Muqdisho ku tagtay, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud, isla markaana ay kala hadashay mudnaanta siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

UK ayaa sheegtay in horumar siyaasadeed iyo amni oo waara uu muhiim u yahay mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo xilligan ay taagan yihiin caqabado siyaasadeed iyo amni oo culus.

Dhanka kale, xaaladda dowladda Federaalka ayaa wajahaysa cadaadis dhinacyo badan leh, iyadoo weli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo walaacyo la xiriira amniga dalka iyo awoodda lagu sii wadi karo taageerada ciidamada ammaanka.

Fariinta UK ayaa loo arki karaa cadaadis diblomaasiyadeed oo ku wajahan Villa Somalia, xilli dowladda Federaalka looga baahan yahay inay ballaariso wadahadalka siyaasadeed, isla markaana ay dhisto is-afgarad ay qayb ka yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Booqashada McNeill iyo hadalka cusub ee Safaaradda UK ayaa sare u qaaday muhiimadda ay London siinayso xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *