Shan Xildhibaan Oo Mar Qura Iska Casilay Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Shan xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah isaga casileen xubinnimadoodii, iyagoo sheegay inay ku qanci waayeen jihada uu maamulka u wajahayo iyo sida loo hirgeliyey himiladii loo aas-aasay.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay inay muddo sannad ah qiimeyn ku hayeen xaaladda maamulka, kaddib markii ay arkeen habka loo dhisay dowladda iyo in wixii ay rajeynayeen aan laga hirgelin magaalada Laascaanood.
Waxay sheegeen inay isku dayeen inay saxaan waxa ay u arkeen khaladaad jira, balse talooyinkooda aan la dhegaysan, taasoo ugu dambeyn ku qasabtay inay iska casilaan Golaha Wakiillada.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale xuseen inay maalmaha soo socda faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan jihada siyaasadeed ee ay qaadi doonaan iyo sida ay u arkaan danaha shacabka.
Xildhibaannada iscasilay ayaa kala ah:
- Makhtal Said Mohomoud
- Ahmed Caabi Xasan
- Abdisalaan Abdulaahi Mohamed
- Sadik Jama Muse
- Ahmed Ali Mohamed
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari oo ku saabsan go’aanka ay qaateen shantan xildhibaan.









