LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Xasan Sheekh Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Siyaasiyiin Puntland Ka Soo Jeeda, Maxaa Looga Hadlay?

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kulan gaar ah la yeeshay xubno siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Puntland oo horey ula shaqeeyay dowladda federaalka, kuwaas oo qaarkood lagu sheegay inay xilal dowladeed, taageero dhaqaale iyo saanad ciidan ka heleen Villa Somalia.

Sida ay sheegayaan ilo ka qayb galay kulanka, Madaxweynaha ayaa diiradda saaray xaaladda cakiran ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, isagoo si gaar ah uga hadlay dadaalladii wada-hadal ee hore ula galay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo aan natiijo rasmi ah laga gaarin.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu xubnaha kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeyntooda, joojiyaan khilaafaadka gudaha, isla markaana mideeyaan mowqifkooda haddii ay doonayaan inay door muuqda ku yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland. Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in kulanka sidoo kale lagu lafaguray qorshayaal la xiriira sidii loo ballaarin lahaa saameynta dowladda federaalka ee gudaha Puntland.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha ayaa xubnaha hordhigay laba waddo oo kala ah in la sii ambaqaado dadaallada lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo lala yeesho maamulka Puntland, ama in la mideeyo garabka taageersan dowladda federaalka si ay u fuliyaan qorshayaashii iyo ballanqaadyadii hore.

Dhankooda, xubnihii kulanka ka qayb galay ayaa la sheegay inay Madaxweynaha u sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeraad ah si ay isugu waafajiyaan mowqifkooda, isla markaana ay dib ula soo laaban doonaan go’aan mideysan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *