Senator Cabdi Qeybdiid oo ku hanjabay inay difaaci doonaan Galmudug

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee maalmihii dambe kasoo cusboonaaday deegaannada Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.
Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu maqlay wararka la xiriira khilaafka siyaasadeed ee la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrimaha Galmudug ay tahay in taladooda loo daayo shacabka iyo hoggaanka Galmudug.
Qeybdiid ayaa ugu baaqay Madaxweyne Qoor Qoor inuu qaado tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda taagan, islamarkaana uu dhigo gogol nabadeed oo ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Galmudug si xal looga gaaro khilaafaadka jira.
“Galmudug taladeeda dadka deegaanka ha loo daayo. Waxaa muhiim ah in la helo wada hadal iyo gogol nabadeed oo lagu xalliyo wax kasta oo jira,” ayuu yiri Senator Qeybdiid.
Senator-ka ayaa sidoo kale si adag uga hadlay arrimaha amniga, isagoo sheegay in haddii cid kasta oo kale ay ciidamo aan sharci ahayn kusoo geliso deegaannada Galmudug, ay iska difaaci doonaan shacabka iyo maamulka deegaanka, isla markaana masuuliyadda wixii ka dhasha ay qaadi doonaan kuwii falkaas sameeya.
Wuxuu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay leedahay in Galmudug laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana heshiis lagu wada yahay, si looga fogaado xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo horleh.
Hadalka Senator Cabdi Qeybdiid ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Dhuusamareeb, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan saan-saan colaadeed iyo is-mariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.









