Xaaladda Galmudug oo ku dhow in uu dagaal ka dhaco

Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata mid gacan ka hadal ku dhamaanaysa kadib markii ay guuldaraysteen wadahadaladii dhexmaray Madaxwayne Xassan Shiikh iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad.
Kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray MD Xassan Shiikh iyo Xusseen Cali Salaad ayaa u muuqda mid natiijo la’aan ku dhamaanaya, kadib markii Madaxwaynuhu ku adkaystay in Liibaan Shuluq xoog iyo xeelad intaba lagu geeyo Galmudug.
Xusseen Cali Salaad oo markii uu madaxwaynaha ka soo baxay u tagay Mahad Salaad ayaa soo jeediyay laba arrimood midood:
1-In madaxwaynaha tiisa loo daayo Lagulana shaqeeyo ama talada la balaariyo si Galmudug nabad ah loo helo.
Mahad Salaad ayaa u sheegay Xusseen Cali Salaad in sadex arrimood Madaxwaynuhu soo galo , kuwaas oo kala ah:
1- In si nabad ah lagu xaliyo ismariwaaga ka taagan Galmudug.
2- In doorasho Furan laga sameeyo Galmudug, taas oo ay ku tartami karaan dhinacyada isku haya doorashada Galmudug.
3- In talada Galmudug loo daayo ciddi si nabad ah ku soo dhamaysan karta, kalsoonina ka heli karta MD Qoor Qoor.
Wixii intaas ka badan ayuu Mahad Salaad Sheegay in aanu kula shaqayn karin Madaxwaynaha, Waayo hadii la rabo in dhiig lagu daadiyo Dhuusamareeb qayb kama noqonayo ayuu yiri Agaasime Mahad Salaad.
Kulanka Villa Soomaaliya ku dhex maraya Madaxwayne Xassan Shiikh iyo Mahad Salaad ayaa u muuqda mid la isku macasalaamayn doono , mar hadii madaxwayne Xassan Shiikh taagan yahay waan weerarayaa Madaxwayne Qoor Qoor hadii uusan ogolaan in talada uu ku wareejiyo Liibaan Shuluq.









