SAWIRRO:- Ciidamada Laftagareen oo helay Ciidamo cusub iyo Gaadiidka dagaalka

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, oo ay wehlinayeen Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed iyo Xildhibaan Cabdiwahaab oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta taliska howlgalka dib u xoreynta Koonfur Galbeed ee duleedka magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey ciidamo cusub oo ku biiray howlgalka.
Ciidamadan cusub oo watay gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa si rasmi ah uga mid noqday gulufka dib u xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid sare u qaadaysa dadaallada lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo howlgallada ku wajahan Baydhabo.
Mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa ciidamada cusub ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan dagaalka dib loogu xoreynayo deegaannada ay qabsadeen Ciidamada Dowladda, iyagoo xusay in loo baahan yahay isku duubni iyo wadajir si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni guud.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo goobta kula hadlay ciidamada cusub ayaa sheegay in ciidamadan ay laf-dhabar u noqon doonaan qorshaha dib u xoreynta magaalada Baydhabo iyo guud ahaan sugidda amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
“Ciidamadan maanta nagu soo biiray waxay qeyb muhiim ah ka noqonayaan dadaalka dib loogu xoreynayo deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Waxay door muuqda ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasilinta shacabka,” ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir Maxamed.
Sidoo kale wuxuu ku boorriyey ciidamada inay gutaan waajibaadkooda, isla markaana muujiyaan geesinimo, feejignaan iyo wadajir si loo xaqiijiyo himilada dib u xoreynta.










