DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Xujeydii ugu horreysay oo maanta laga sagootiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray dalka Soomaaliya duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed ee u ambabaxaya gudashada waajibaadka Xajka, kaddib munaasabad ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda sagootinta ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, kaas oo si rasmi ah u furay duulimaadyada ugu horreeya ee xujeyda sanadkan 2026.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga shaqeysay fududeynta safarka xujeyda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si nabad ah oo habsami leh u gutaan waajibaadka Xajka. Waxa uu sidoo kale u duceeyay dhammaan xujeyda, isaga oo Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadadooda.

“Waa maalin qiimo weyn u leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda maanta safarka bilaabay. Dowladda waxay dadaal badan gelisay sidii loo xaqiijin lahaa adeegyo hufan iyo safar ammaan ah,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in guud ahaan 432 xaaji oo Soomaaliyeed ay maanta ka duuleen dalka, kuwaas oo ka kala baxay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa. Xujeydan ayaa ah qaybtii ugu horreysay ee sanadkan u ambabaxda dalka Sacuudiga si ay u gutaan rukniga shanaad ee Islaamka.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, culumaa’udiin, iyo ehellada xujeyda ayaa goobta ku sugnaa, iyagoo si diirran u sagootiyay xujeyda, una rajeeyay safar nabdoon iyo soo laabasho kheyr leh.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa horay u shaacisay in sanadkan la diyaariyay qorshe ballaaran oo lagu maareynayo howlaha Xajka, oo ay ka mid yihiin habeynta safarada, daryeelka xujeyda, iyo la socodka xaaladooda inta ay ku sugan yihiin dhulka barakeysan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *