Maydadka Dhalinyaradii ku geeriyootay Badda Aljeeriya oo weli la aasin & DFS oo lacag ka rabta

Ehelada dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay xeebaha dalka Algeria ayaa ku eedeeyay Safaaradda Soomaaliya ee halkaasi inay caqabad ku noqotay aaska meydadka, kuwaas oo la sheegay inay muddo saddex toddobaad ah yaallaan iyada oo aan la aasinin.
Qaar kamid ah ehelada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Algeria uu diiday in meydadka la aaso, isla markaana aanu ka jawaabin wicitaannadooda telefoonka. Waxay sidoo kale sheegeen inay dalbadeen in meydadka loo soo wareejiyo si ay iyagu u aasaan, balse aysan helin wax jawaab ah oo cad.
Eheladan ayaa tilmaamay inay tageen xarumaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee ku yaalla Muqdisho iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo markii hore loo sheegay in meydadka la aasay maalintii Isniinta. Si kastaba ha ahaatee, eheladu waxay sheegeen inay markii dambe ogaadeen in warkaasi uusan sax ahayn, isla markaana meydadku wali yaallaan.
Ugu dambeyn, ehelada ayaa sheegay in markii ay si toos ah ula hadleen safiirka uu u sheegay in meydadka weli la hayo, isla markaana ay jirto lacag dhan 350 doollar oo laga doonayo qofkiiba si loo aaso. Eheladu waxay carrabka ku adkeeyeen inay diyaar u yihiin bixinta lacagtaasi, balse ay waayeen cid u fududeysa arrinta.
Dhanka kale, baaritaan ay sameysay warbaahinta Banaadir24 ayaa lagu ogaaday in kharashaadka ku baxa dib u celinta tahriibayaasha iyo sidoo kale aaska meydadka ay badanaa bixiso International Organization for Migration (IOM), oo ah hay’ad caalami ah oo taageerta Soomaaliya arrimaha socdaalka iyo bini’aadantinimada.
Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan oo ku saabsan sida loo maareeyo xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, gaar ahaan kuwa tahriibka ku gala dalalka kale, iyadoo eheladu ay weli sugayaan xal degdeg ah oo lagu aasi karo meydadka eheladooda.









