LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor oo gaaray Cadaado, kulamo muhiim ahna la…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Boqolaal ka mid ah shacabka Cadaado ayaa isugu soo baxay soo dhaweynta wafdiga, iyadoo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socota ay gudaha u galeen magaalada.

Inta uu Xasan Sheekh ku sugan yahay Cadaado, waxaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegaanka, iyadoo laga wada hadli doono xaaladda deegaanka iyo arrimaha muhiimka u ah bulshada.

Safarka Cadaado ayaa qeyb ka ah socdaalka Madaxweynaha ee Galmudug, iyadoo Xasan Sheekh maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb, halkaas oo uu kaga qeyb galay munaasabado iyo kulamo siyaasadeed.

Indhaha ayaa hadda lagu hayaa farriimaha siyaasadeed ee kasoo bixi kara kulamada Cadaado, xilli gobolka iyo guud ahaan dalka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda amniga, federaalka iyo doorashooyinka soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *