Dagaal Culus oo Baydhabo Ruxay Iyo Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo Qabsaday Qaybo Muhiim ah

Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la safan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, ayaa gudaha magaalada Baydhabo u gudbay, kaddib dagaallo culus oo saacado badan ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay la wareegeen dhowr goobood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah bartamaha magaalada.
Ciidamada ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay hore ula wareegeen deegaanada Siliga, Mursal, Warshadda Hassay, Boonkaay iyo Bangi Qiyaamay, iyadoo dagaallada loo adeegsaday hub culus iyo mid fudud.
Weli lama xaqiijin inta ay le’eg tahay dhulka ay ciidamadaasi si buuxda gacanta ugu dhigeen, halka maamulka Koonfur Galbeed ee ka soo horjeeda Laftagareen uusan weli soo saarin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dagaalka.
Dhanka kale, dagaallada ayaa sababay waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah. Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii gantaal nooca RPG ah uu ku dhacay dhisme ay dad deggen yihiin oo ku yaalla xaafadda Warshadda xaseey, waxaana la sheegay in laba guri uu dab qabsaday.
Xaaladda magaalada Baidoa ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo rasaas laga soo sheegayo qaybo ka mid ah magaalada.









