Sawirro:- Turkiga oo Diyaarado dagaal horleh u soo diray Soomaaliya, Shaqana billaabay

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa si dhow ula socda amniga markabka sahminta shidaalka ee Çağrı Bey, iyo maraakiibta dagaalka ee ilaalinaya, sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga.
Wararka ay qoreen warbaahinta caalamiga ah ayaa tilmaamaya in Ankara ay kordhisay taageerada militari ee howlgalka badda Soomaaliya, iyadoo diyaaraduhu ay qeyb ka yihiin sugidda ammaanka iyo dabagalka hawlaha socda. Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradahaasi ay gaarsiiyeen agab cusub oo muhiim u ah howlgalka maraakiibta.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaal ballaaran oo Turkigu ku xoojinayo sahminta shidaalka ee ka socota biyaha Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca qodista badda qoto dheer.
Dowladda Turkiga ayaa horey u dirtay maraakiib dagaal oo ay ka mid yihiin kuwa taakuleeya ciidamada badda, kuwaas oo loogu talagalay inay sugaan amniga markabka Çağrı Bey iyo howlaha sahminta shidaalka.
Sidoo kale, markabkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay ee Turkigu u diro meel ka baxsan xuduudihiisa badeed, iyadoo howlgalkaasi loo arko mid taariikhi ah oo xoojinaya xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Warbixinno hore ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu u diray diyaarado dagaal oo ay ka mid yihiin F-16 si ay u xoojiyaan ammaanka iyo joogitaanka militari ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa sida Ankara ay muhiimad weyn u siineyso howlgalka tamarta iyo amniga gobolka.
Guud ahaan, tallaabadan ayaa muujinaysa istiraatiijiyadda Turkiga ee ku aaddan ballaarinta saameyntiisa Bariga Afrika, iyadoo isku daraysa iskaashi militari iyo mid dhaqaale oo ku wajahan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.










