DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Markab kale oo lagu afduubtay Xeebaha Puntland & wararkii ugu dambeeyay

Koox burcad-badeed ah ayaa markab nooca xamuulka ah ku afduubtay xeebaha gobolka Mudug ee Puntland, sida ay xaqiijinayaan Saraakiil amni iyo ilo deegaanka ah.

Markabkan oo watay calanka dalka Panama ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday dalka Mozambique ee koonfurta Afrika xilligii la weeraray.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in markabka ay saarnaayeen 16 shaqaale ah, hase yeeshee wali lama xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen. Xaaladda shaqaalaha iyo markabka la afduubtay ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, iyadoo ay socoto uruurinta xog dheeraad ah.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in kooxda burcad-badeeda ah ay ka soo baxeen deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug wax ka yar 24 saacadood ka hor weerarka, taasoo muujinaysa dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo ay ka wadaan xeebaha Puntland.

Dhacdadan ayaa noqonaysa markabkii labaad ee muddo todobaad gudihiis ah lagu afduubto xeebaha Puntland. 22-kii bishan, koox hubaysan ayaa sidoo kale qabsaday markab kale oo laga leeyahay Pakistan, kaasoo la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, kadib markii lagu weeraray degmada Banderbayla.

Kororka falalka burcad-badeednimada ayaa walaac ku abuuraya maraakiibta ganacsiga ee isticmaasha marin-biyoodka Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya oo horey loogu yaqaanay halista burcad-badeedda. Inkastoo sannadihii la soo dhaafay ay yaraadeen falalka noocan ah, haddana dhacdooyinkan cusub ayaa muujinaya suurtagalnimada dib u soo laabashada khatarta.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo hay’adaha amniga badda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan ugu dambeysay, hase yeeshee waxaa la filayaa in ay kordhiyaan dadaallada lagu sugayo amniga xeebaha si looga hortago falalka burcad-badeednimada ee soo laabanaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *