Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    8 November 2026

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweynaha Puntland oo tegay Magaalada Badhan, iyada oo laga diidan yahay
    LATEST NEWS

    Madaxweynaha Puntland oo tegay Magaalada Badhan, iyada oo laga diidan yahay

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor27 April 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo loo aqoonsan yahay caasimadda labaad ee Puntland, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

    Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada ay ka jireen bannaanbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah shacabka, kuwaas oo ka soo horjeeday imaanshihiisa. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tegay Badhan, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.

    Inta uu ku sugan yahay Badhan, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka, si uu uga dhageysto xaaladda guud ee gobolka Sanaag iyo baahiyaha bulshada.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo la sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonaan kobcinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.

    Dhanka kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo tababar loo diyaariyay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo awoodda ciidanka.

    Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Baari iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya qorshayaasha la xiriira horumarinta iyo amniga gobolka.

    Ugu dambeyn, booqashadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo shacabka ku nool gobolka Sanaag, gaar ahaan iyadoo ay jireen dareenno kala duwan oo ku saabsan imaanshaha Madaxweynaha ee magaalada Badhan.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSawirro:- Turkiga oo Diyaarado dagaal horleh u soo diray Soomaaliya, Shaqana billaabay
    Next Article Muwaadin Somaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika, muuqaal naxdin leh oo la baahiyay
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    8 November 2026

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    By Banaadir248 November 20260

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d