LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Taliye ay Dowladda Soomaaliya Magacaawday oo Maanta Baydhabo xilka kula wareegay

Munaasabadda xil wareejinta Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay ayaa maanta si rasmi ah uga dhacday xarunta taliska ee magaalada Baydhabo, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan, saraakiil ciidan, iyo maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Gobolka Baay, Aamin Mad Daruur, ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Taliyaha cusub, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Doodashe. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo shaqadii ay hayeen ciidamada Booliska muddadii la soo dhaafay.

Aamin Mad Daruur ayaa ka warbixiyay muddadii uu xilka hayay, isagoo xusay in guulo la taaban karo laga gaaray sugidda amniga, la dagaallanka dambiyada, iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Booliska iyo bulshada. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay saraakiisha iyo ciidanka la soo shaqeeyay, isagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka.

Dhankiisa, Taliyaha cusub ee xilka la wareegay, Sadiiq Doodashe, ayaa ballan qaaday inuu sii ambaqaadi doono dadaalladii hore, isla markaana xoogga saari doono horumarinta amniga, la dagaallanka amni-darrada, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka ee Booliska. Wuxuu sidoo kale cadeeyay inuu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha kala duwan si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Mas’uuliyiin kale oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay Taliyihii hore shaqadii uu qabtay muddadii toddobada sano ee uu xilka hayay, waxayna si diirran u soo dhaweeyeen Taliyaha cusub, iyagoo ku boorriyay inuu si hufan oo cadaalad ah u guto waajibaadkiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *