Digniin laga soo saaray burbur ku yimaada Dowladnimada Soomaaliya

Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta war-saxaafadeed culus kasoo saaray dhamaadka muddada xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan saameynta ay arrintani ku yeelan karto geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hay’adaha dastuuriga ah ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo sarreynta sharciga iyo habsami u socodka howlaha dowladnimo. Xisbigu wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in muddada xileedka hay’addii ugu sarreysay dalka ee Baarlamaanka ay dhammaatay, taasoo uu sheegay inay halis gelin karto xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha dowladnimada oo weli jilicsan.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka ay yihiin tiirka koowaad ee sarreynta sharciga iyo socod-siinta howl-maalmeedka dowladnimo, wuxuuna nasiib-darro u arkaa in muddadii hay’addii ugu sarreysay dalka ee Baarlamaanka ay dhammaatay, taasoo halis ku ah geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna oo weli jilicsan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, xisbigu wuxuu caddeeyay in xaaladdan ay dhalin karto firaaq dastuuri ah, khalkhal sharci iyo burbur ku yimaada haykalka dowliga ah haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin. Waxaa uu ugu baaqay madaxda qaranka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo dastuurka iyo xasilloonida dalka.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimo, wadatashi iyo xal waara oo looga gudbi karo marxaladdan xasaasiga ah, si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka dalka.










