Al-Shabaab farabadan oo lagu xasuuqay howlgallo cir iyo dhul ah & Dowladda oo War kasoo saartay

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa Al‑Shabaab lagu dilay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib iyo Afmadow ee gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ay si gaar ah u beegsadeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaannadaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Howlgallada ayaa sidoo kale waxaa barbar socday duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo si weyn u wiiqay awoodda maleeshiyada, isla markaana fududeeyay in ciidamadu gudaha u galaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dagaalladaasi lagu dilay 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la burburiyay saldhigyo iyo xarumo ay ku lahaayeen deegaannadaas.
Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha fudud iyo kuwa culus sida BKM, RPG iyo AK-47, iyo sidoo kale miinooyin ay kooxdaasi damacsaneyd inay ku waxyeelleyso shacabka.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay xustay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbooyinka.










