LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Bandow lagu soo rogay degaannada Koonfur Galbeed iyo doorashooyin ka billaawday

Waxaa saaka si rasmi ah uga billaawday inta badan degmooyinka iyo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed doorashooyinka qof iyo codka ah ee lagu dooranayo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Doorashooyinkan oo ah kuwii ugu horreeyay ee noocaan ah ee si ballaaran uga qabsooma deegaannada Koonfur Galbeed ayaa ka dhacaya degmooyin iyo deegaanno ay maamulka iyo dowladda Federaalka ku tilmaameen kuwo xor ah oo amnigooda si buuxda loo sugay.

In ka badan 10 urur siyaasadeed oo hore isu diiwaangeliyay ayaa ka qeyb galaya doorashada, iyadoo boqolaal musharrax ay ku tartamayaan kuraasta Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale xubnaha Golayaasha deegaanka ee degmooyinka maamulkaasi.

Goobaha codbixinta ayaa saaka waaberigii hore laga furay degmooyinka doorashadu ka socoto, waxaana halkaasi si tartiib tartiib ah ugu qulqulaya dadweynaha doonaya inay dhiibtaan codadkooda. Saraakiisha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in habsami u socodka codbixinta si weyn diiradda loo saarayo si looga hortago wax kasta oo qalqal gelin kara geeddi-socodka doorashada.

Ammaanka guud ee degmooyinka ay doorashooyinku ka dhacayaan ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah la dhigay ciidamo fara badan oo ka kala tirsan ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo kuwa nabad sugidda.

Sidoo kale maamulka ayaa xalay saaray bandow iyo xannibaado dhanka isku socodka ah, iyadoo la joojiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha aan ku lugta lahayn howlaha doorashada. Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay kuwo lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka goobaha codbixinta.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabad ah uga qeyb qaataan doorashada, islamarkaana ay ilaaliyaan amniga iyo kala dambeynta.

Doorashooyinkan ayaa la filayaa inay soo gabagaboobaan maanta oo keliya, kadibna lagu dhawaaqo natiijooyinka hordhaca ah ee kuraasta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *