Sawirro:- Puntland oo diyaarisay Saraakiil & Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso kaga qayb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiisha hoggaaminta ciidamada iyo adeegsiga hubka culus ee kala duwan, kuwaas oo ka tirsan hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee ka socda deegaannada Calmiskaad iyo Calmadow.
Tababarkan oo ahaa dufcaddii 6-aad ee saraakiil hoggaamineed ah oo ka qalin-jebisa Dugsiga Tababarka ee Ciidanka PMPF ee Boosaaso, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta hoggaanka ciidamada, xirfadaha dagaalka gaarka ah, iyo hababka casriga ah ee loo maareeyo hawlgallada amni.
Saraakiishan ayaa si qoto dheer loogu tababaray qorsheynta iyo fulinta hawlgallada gaarka ah, isticmaalka iyo maaraynta hubka culus ee kala duwan, iyo xeeladaha lagu yareeyo khasaaraha ka dhasha goobaha dagaalka. Sidoo kale, waxaa la baray hababka hoggaaminta ciidamada iyo hagidda istaraatiijiyadda dagaalka marka lagu jiro xaaladaha adag ee amni.
Tababarka ayaa waxaa bixiyay khubaro amni oo caalami ah, kuwaas oo si gaar ah uga shaqeeya tayeynta ciidamada iyo kor u qaadidda awoodda ay u leeyihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay si weyn u xoojinayso dhismaha iyo tayeynta ciidamada, si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Puntland, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray saraakiisha cusub ee tababarka dhammaystay, isagoo ku boorriyay in ay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen si hufan ugu adeegsadaan ilaalinta amniga shacabka iyo difaaca dalka.










