LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Muuse Suudi oo ku dhawaaqay Go’aan culus iyo hadal-heyn ka dhalatay

Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee muddo xileedkoodu dhammaaday, ayaa maanta ka jeediyay hadal si weyn loo hadal hayo, xilli uu ka hadlayay kulan ka dhacay Guriga Martida Mudulood ee magaalada Muqdisho.

Senator-ka ayaa si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan siyaasadda dalka, isagoo sheegay in uu si buuxda u difaacayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in, marka laga soo tago Alle, uu tixgelin gaar ah siinayo beesha Mudulood, isla markaana uu ilaalinayo sharafkooda iyo midnimadooda.

“Alle ka sokow, waxaan ka cabsi qabaa Mudulood, sharafkoodana waan ilaalinayaa,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi, isaga oo hadalkiisa ku muujinayay xiriirka dhow ee uu la leeyahay beesha uu ka soo jeedo.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimaha hoggaanka iyo isbeddelka, isagoo tilmaamay in bulshada ay xaq u leedahay inay iska beddesho hoggaamiye aysan ku qanacsaneyn, halka midka wanaagsan la sii taageerayo. Hadalkan ayaa u muuqday mid uu ku difaacayo joogitaanka hoggaanka hadda jira, isla markaana uu ku muujinayo aragtidiisa ku aaddan hoggaaminta dalka.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga soo horjeeday dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, isbeddel muuqda ayaa ku yimid mowqifkiisa, maadaama uu hadda si cad u garab taagan yahay dowladda talada haysa.

Hadalka Senator-ka ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku shareereen dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo abaabulka mucaaradka, kuwaas oo qorsheynaya bannaanbaxyo ka dhan ah dowladda. Waxaana la filayaa in hadallada noocan ah ay sii kordhiyaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *