LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Kiiska Sacdiyo Macalin Cali (Bajaaj)

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu gacanta ku hayo kiiska Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaan “Bajaaj”, taasoo muddo ku dhow 24 cisho u xiran hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in Sacdiyo Macalin Cali ay wajahayo eedeymo la xiriira falal lagu tilmaamay sumcad-dil iyo kicin bulsho. Xeer Ilaalinta ayaa caddeysay in kiiska haweeneydan uu marayo habraaca sharciga, isla markaana baaritaanno dheeraad ah ay socdaan.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa xusay in waajibaadkiisa uu yahay ilaalinta sharciga, daba-galka dambiyada, iyo xaqiijinta in caddaaladdu si hufan u shaqeyso. Waxay intaas ku dareen in kiiskan uu yahay mid muhiim u ah sugidda amniga, ilaalinta sumcadda bulshada, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan eedeysanayaasha ay leeyihiin xuquuq sharciyeed oo ay ku helaan difaac iyo in lagu qaado dacwad caddaalad ah, iyadoo kiiska Sacdiyo lagu horgeyn doono maxkamad awood u leh marka ay soo dhammaadaan baaritaannada.

Ugu dambeyn, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ugu baaqday bulshada inay dhowraan sharciga, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo keeni kara jahawareer ama kicin bulsho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *