Sawirro:- Jubbaland oo soo bandhigtay Ciidamadii weerari lahaa Degmada Beled-Xaawo

Maamulka Jubbaland ayaa duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay ciidamo aad u hubeysan oo la sheegay in dhawaan loo soo gabagabeeyay tababar ciidan. Bandhiggan ayaa imaanaya xilli xiisad amni iyo mid siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo oo horey ay ula wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada la soo bandhigay ayaa watay gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan, kuwaas oo muujinaya diyaar-garow militari oo heer sare ah. Saraakiisha Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidamadan loo diyaariyay howlgal gaar ah oo la xiriira dib u qabsashada degmada Beled-Xaawo.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo, Janareel Cabaas Aadan Gurey, oo la hadlayay ciidamadan ayaa si cad u sheegay in ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan degmada Beled-Xaawo. Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka ay “kusoo duuleen” gobolka Gedo, isla markaana Jubbaland ay ka go’an tahay inay dib ula wareegto deegaannadii laga qabsaday.
“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u xoreyno dhulkeenna, Beled-Xaawo waa mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee aan ka shaqeyn doono,” ayuu yiri Janareel Gurey, isagoo muujiyay kalsooni ku aaddan awoodda ciidamadooda.
Dhinaca kale, weli wax jawaab rasmi ah kama bixin dowladda Federaalka Soomaaliya hadallada kasoo yeeray Jubbaland, hase yeeshee xaaladda gobolka Gedo ayaa si weyn loo hadal hayaa, iyadoo laga cabsi qabo in markale uu halkaas ka qarxo dagaal culus oo u dhexeeya labada dhinac.
Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo iyo cidda gacanta ku heysa. Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli siyaasadeed xasaasi ah, iyadoo la filayo in ay saameyn ku yeelato amniga guud iyo xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka.










