LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil iyo Ciidamo horleh u dirtay Shabeellaha Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo saraakiil sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, Col. Cabdicasiis Melletari, loo diray deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Ugunji, oo hoostaga degmada Sablaale, ayaa ah meel istiraatiiji ah oo muddo dheer ay maamulayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaankaas kadib howlgal qorsheysan oo lagu qaaday fariisimihii kooxda.

Wararka ka imanaya goobta ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay hadda ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha Ugunji, iyagoo bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka wax kasta oo haraadiga maleeshiyada ah.

Taliyaha Guutada 16-aad Danab, Col. Cabdicasiis Melletari, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo howlgallada socda, islamarkaana uu kulamo la yeesho saraakiisha iyo cutubyada kala duwan ee ciidanka dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka socdaalkan ayaa lagu sheegay mid lagu dardargelinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in si buuxda looga saaro deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay dadaallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Koonfurta dalka, iyadoo howlgaladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo xoreynta deegaannada ay kooxdaasi gacanta ku hayso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *