Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay hadal ka nixiyay Siyaasiyiinta mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si cad u sheegay in muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in aanay jirin wax ka leexan kara muddadaas, isagoo tilmaamay in dastuurkii la ansixiyay sanadkii 2012 iyo kan hadda wax laga beddelay ay si isku mid ah u dhigayaan in muddo xileedka dowladda uu yahay 5 sano.
“Muddo xileedka dowladda waa 5 sano, meel looga baxo ma jirto, haddii la eego dastuurkii 2012-kii iyo kan hadda la ansixiyayba,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, halkaas oo siyaasiyiin mucaarad ah ay si weyn uga soo horjeesteen aragtidan, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay damacsan tahay muddo kororsi.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay inay wadaan qorshayaal ay kaga hortagayaan waxa ay ku tilmaameen isku dayga dowladda ee ku aaddan kordhinta muddada xukunka, arrintaas oo dhalisay walaac hor leh oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.









