LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Gaadiidka dagaalka iyo hub culus

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo hubka kala duwan ee ay leeyihiin ciidamada.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa qeyb ka ahayd dabaal-degga 66-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ah xus qaran oo muujinaya taariikhda, horumarka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka.

Goobta lagu soo bandhigayay hubka iyo gaadiidka dagaalka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, iyo saraakiil sare oo ka tirsan laamaha ammaanka.

Intii ay socotay munaasabadda, madaxda iyo saraakiisha ayaa kormeeray qalabka la soo bandhigay, iyagoo bogaadiyay horumarka iyo tayeynta lagu sameeyay ciidamada, gaar ahaan dhinacyada qalabka iyo awoodda difaaca.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale fariin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa in Ciidanka Xoogga Dalka ay heegan u yihiin difaaca dalka, ilaalinta midnimada iyo sugidda amniga guud ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *