LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sacdiyo Bajaaj oo goordhow lagu xiray Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa goordhow agagaarka Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ka qabtay Sacdiyo Bajaaj, oo kamid ah gabdhaha ka shaqeeya mootooyinka bajaajta ee ka howlgala caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in Sacdiyo laga kaxeeyay goobta iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray, hase yeeshee arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay baraha bulshada ku baahineysay dhaliilo ay u jeedinaysay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Sacdiyo Bajaaj la xiro. Bilo ka hor ayay ahayd markii iyada iyo dhalinyaro kale loo xiray cabashooyin la xiriiray sicir bararka shidaalka. Xilligaas, Sacdiyo iyo dadkii kale ee lala xiray ayaa la sii daayay afar maalmood kadib.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabadsugidda oo ku saabsan xarigga Sacdiyo Bajaaj, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn halka la geeyay iyo xaaladdeeda caafimaad.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xorriyadda hadalka iyo xaaladda dhalinyarada ka shaqeeya mootooyinka bajaajta ee magaalada Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *