Dowladda oo u hanjabtay Shirkado iyo Shaqsiyaad Ajaanib ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay wado dadaallo lagu xakameynayo ka faa’iideysiga sharci-darrada ah ee kheyraadka macdanta dalka, iyadoo qorsheyneysa in tallaabooyin sharci ah laga qaado shirkado iyo shaqsiyaad arrintaas lagu eedeeyay.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad macdan oo aad u hodan ah, balse ay jiraan caqabado la xiriira qodis iyo dhoofin aan sharciyeysneyn oo si baahsan uga socda meelo kala duwan oo dalka ah.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda ay haatan waddo qorshe lagu ogaanayo cid kasta oo ku lug leh howlahaas, si loo horgeeyo cadaaladda. Wuxuu sidoo kale xusay in sannadihii u dambeeyay dahab lagu qiyaasay in ka badan 331 milyan oo doolar si sharci-darro ah looga saaray dalka loona iib geeyay suuqyada caalamka.
Daahir Shire ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay ka faa’iideysiga sharci-darrada ah, isagoo sheegay in howlahaasi inta badan ay ka dhacaan deegaanno ay si toos ah ugu lug leeyihiin bulshada deegaanka, islamarkaana macdanta lagu kala iibsado si hoose oo aan nidaamsaneyn.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan laga diiwaan geliyay gobollo ay ka mid yihiin Sanaag iyo Bari, iyo sidoo kale Awdal, halkaas oo warbixino kala duwan horey looga diyaariyay.
“Dowladdu weli awood buuxda kuma lahan dhammaan goobaha laga qodayo macdanta, waxaana jira dad deegaanka ah oo si toos ah uga qayb qaata howlahan,” ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu xusay in sharci cusub oo lagu nidaaminayo maareynta macdanta uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay, isla markaana la filayo inuu dhaqan galo marka uu saxiixo madaxweynaha.
Sharcigan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda dowladda ee la dagaallanka ka faa’iideysiga sharci-darrada ah ee kheyraadka dalka.









