Sawirro:- Dowladda Soomaaliya oo Gacanta ku dhigtay Ajaanib ka tirsan Al-Shabaab

Laamaha ammaanka degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay saddex maleeshiyo oo la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ciidamada ammaanku ay dhowaan ku qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmadaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in saddexdan xubnood ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Itoobiya, isla markaana ay muddo tababaro ku qaadanayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanno kale oo ay kooxda Al-Shabaab gacanta ku hayso.
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka Beled Xaawo ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubnahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee dhibaatooyinka amni ka wada gobollada dalka.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo raggan la qabtay, si loo helo xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab, xiriirrada ay la leeyihiin xubno kale iyo goobihii ay kasoo howl-galeen.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xubnahan lagu soo tababaray xeryo ku yaalla degmada Saakow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab ay ku leedahay fariisimo iyo xarumo ay ku abaabusho maleeshiyaad cusub.
Dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa soo dhaweeyay howlgalka ciidamada ammaanka ay ku qabteen xubnahan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah sugidda nabadda iyo xasilloonida degmada.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan meelaha xuduudaha ku dhow, si looga hortago weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo amni darro abuuri kara.












