LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeymo xoogan oo lagu garaacay Saldhigyada Al-Shabaab & khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaano u dhexeeya degmada Buulo Burte iyo degmada Buq-Aqable, kuwaasi oo lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay goobo la tuhunsanaa inay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen uruurinta dagaalyahannada iyo kaydinta hubka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la maqlayay jug xooggan iyo diyaarado dul heehaabaya aagga ay duqeymuhu ka dhaceen.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Deegaanka u dhexeeya Buulo Burte iyo Buq-Aqable ayaa muddooyinkii dambe kamid ahaa goobaha ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen gulufka militari ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in duqeymaha lala eegtay xarumo iyo gaadiid ay kooxda isticmaali jirtay, iyadoo howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda ee gobollada dhexe ee dalka.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan duqeymaha xalay, balse howlgaladan cirka ah ayaa kusoo aadaya xilli sare loo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *