Sawirro:- Ciidanka xoogga dalka oo qaaday howlgal culus, khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa laga sameeyay deegaannada Moora Ari, Deedo iyo Qarfo oo dhammaantood hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka Hiiraan ayaa si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay falal amni darro iyo cabsi gelin ah ku hayay shacabka ku nool deegaannadaasi.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si taxaddar leh u qorsheeyeen weerarka, kadib markii ay heleen xog la xiriirta dhaq-dhaqaaqyo ay kooxda Al-Shabaab ka wadday halkaasi. Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay gudaha u galeen fariisimo ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaadyo kooban oo sababay khasaaro lagu gaarsiiyay kooxda.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale ku guuleystay inay fashiliyaan dhagaro iyo qorshayaal ay Al-Shabaab doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka rayidka ah, gaar ahaan dadka ku dhaqan tuulooyinka hoostaga Moqokori.
Taliyaha Ururka 8-aad, Guutada 18-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalka lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaaro culus, isagoo xusay in ciidamada ay sii laba jibbaari doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.
“Tallaabooyinka noocan ah waxay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha shacabka dhibaatada ku haya,” ayuu yiri Taliyaha.
Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada dhaca bartamaha Soomaaliya.










