LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo Ciidamo dul-dhigtay Hoteellada ay ku shiraan Mucaaradka

Waxaa sii kordhaya dhaq-dhaqaaqyada amni ee laga dareemayo magaalada Muqdisho, kaddib markii Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda ay ciidamo horleh geeyeen qaar kamid ah hoteellada ugu caansan caasimadda.

Ciidamadan oo si gaar ah loo dhigay baraha laga galo Hoteellada Jazeera Palace Hotel iyo Hotel Dacale, iyaga oo diidan inay hoteladaas ku shiraan siyaasiyiinta mucaaradka ee shirarka ka dhan ah dowladda ka wada magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka hoteelladaasi ayaa sheegay in la adkeeyay baaritaannada dadka soo galaya, iyadoo ciidamo hubeysan lagu arkayay iridaha hore iyo waddooyinka ku dhow dhow hoteellada. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in qaar kamid ah warbaahinta madaxa bannaan loo diiday inay gudaha u galaan Hoteelka Jaziira, halkaas oo inta badan ay shirar ku yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli xubnaha mucaaradka dowladda Federaalka ay markale ku dhawaaqeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud. Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeya inay cadaadis ku hayso xorriyadda siyaasadeed iyo isu imaatinka shacabka.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in dowladda ay ka cabsi qabto in hoteellada Muqdisho ay noqdaan xarumo lagu abaabulo kulamo siyaasadeed iyo qorsheyaal mucaaradku ku mideysan yihiin, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *