DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

QM oo soo farogelisay khilaafka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka, una dirtay…

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii u dambeeyay ee dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaridka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhoweynayo dadaallada labada dhinac ay ku doonayaan inay wadahadal ku gaaraan is-afgarad la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri in Qaramada Midoobey ay dhiirrigelinayso Dowladda Federaalka iyo mucaaridka inay sii wadaan wada-xaajoodyada si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan, islamarkaana horseeda doorashooyin loo dhan yahay.

Sidoo kale, Qaramada Midoobey waxay xustay in xasilloonida siyaasadeed iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda ay muhiim u yihiin amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa yimid xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee dalka.

Qaramada Midoobey ayaa marar badan hore ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wadatashiga iyo heshiiska siyaasadeed si looga fogaado khilaafyo saameyn ku yeesha geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *