Muqdisho (Banaadir24) — Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa la sheegay inay habeenkii Isniinta duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada kooxda Daacish.
Warbixin uu baahiyay wargeyska Breitbart ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen dhowr goobood oo ku dhow fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland, halkaas oo la sheegay in dagaalyahannada Daacish ay isku uruursanayeen afartii toddobaad ee lasoo dhaafay.
Duqeymahan ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin howlgallada milateri ee ciidamada Puntland ay ka wadaan buuraha Cal Miskaad, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish.
Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Daacish ay isku dayaysay inay iska caabiso gulufka ciidamada Puntland, iyadoo maleeshiyaadkeedu ay difaacyo ka sameysteen goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla buurahaasi.
Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in kooxda Daacish ay horumarisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada sida, taas oo walaac amni ku abuurtay ciidamada Puntland iyo Mareykanka.
Duqeymahan ayaa imanaya xilli Mareykanku uu taageero milateri iyo mid sirdoonba siinayo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish.
Si kastaba, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ama maamulka Puntland oo xaqiijinaya duqeymaha la sheegay. Sidoo kale, lama shaacin khasaaraha ka dhashay weerarradaas.
