Muqdisho (Banaadir24) — Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari dalka Kenya, meel u dhow xuduudda Soomaaliya.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira laba ka tirsan ciidamada booliska kaydka ah ee Kenya (National Police Reservists), shan shaqaale oo ka tirsanaa dhismaha waddooyinka iyo darawalkii gaariga ay la socdeen.
Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada, abbaaraha 7:00 subaxnimo, deegaanka Hagarsu, oo ku yaalla waddada isku xirta Mandheera, Arabia, Fino, Lafey iyo Ceelwaaq.
Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan ay jidka u galeen gaariga ay la socdeen shaqaalaha dhismaha waddooyinka, kadibna ay rasaas oodda kaga qaadeen, taas oo sababtay dhimashada dadkii gaariga saarnaa.
Taliyaha booliska gobolka Mandheera, Robinson Ndiwa, ayaa xaqiijiyay weerarka, isaga oo sheegay in kooxaha amniga ay bilaabeen howlgallo lagu baadigoobayo raggii weerarka geystay, kuwaas oo la sheegay inay u baxsadeen dhul kaymo ah.
Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka ayaa sheegay in la tuhunsan yahay in kooxihii weerarka fuliyay ay kasoo gudbeen dhinaca xuduudda Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee ka jira gobolka Mandheera, halkaas oo Al-Shabaab ay horay uga fulisay weerarro kala duwan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamada ammaanka, shacabka iyo shaqaalaha mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha.
Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay sii xoojiso howlgalada amniga ee gobolka, iyadoo baaritaanno lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay weerarkan ay socdaan.
