Sawirro:- Ciidamo ka tirsan Dowladda oo u goostaya Ciidanka Laftagareen

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulkii Koonfur Galbeed ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Xasan Cabdiqaadir Maxamed, ayaa maanta duleedka magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey ciidamo deegaanka ah oo ka yimid degmada Waajid ee gobolka Bakool, kuwaasi oo ku biiray howlgalada ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Soo dhaweynta ciidamadaan cusub waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Afhayeenka Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee maamulkaasi, kuwaas oo sheegay in ciidamadan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan howlgalada amniga lagu xaqiijinayo iyo dadaallada dib loogu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee meesha ka saaray Maamulkii Laftagareen.
Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa tilmaamay in ciidamada ka yimid Waajid ay yihiin kuwo si buuxda ugu diyaar garoobay ka qeyb qaadashada howlgalada socda, iyagoo xusay in isku soo baxa ciidamada deegaanka uu muujinayo taageerada shacabka iyo beelaha deegaanka ee ay u hayaan maamulkii Laftagareen.
Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu sii xoojinayo abaabulka ciidamada deegaanka si loo dardar geliyo howlgalada amni ee ka socda gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
“Ciidamadan maanta nagu soo biiray waxay qeyb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Waa muhiim in shacabka iyo ciidamada deegaanka ay garab istaagaan howlgalada socda,” ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir.
Wararka laga helayo degmada Waajid ayaa sheegaya in ciidamadaan ay beel ahaan kasoo jeedaan beesha uu ka dhashay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, taas oo lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay abaabulka beelaha deegaanka ee lagu taageerayo maamulkii meesha ka baxay ee Laftagareen.










