LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro: -Ciidamo ka goostay Puntland oo ku biiray Dowladda Soomaaliya

Ciidamo ka tirsan beesha Leelkase oo horey uga tirsanaa maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib munaasabad lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu soo bandhigay ciidankaasi iyaga oo wata hub noocyadiisa kala duwan leh, oo isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudud.

Ciidamadan oo muddo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay go’aansadeen inay ku biiraan dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay sheegeen in maamulka Puntland uu ka gaabiyay xaqii ay ku lahaayeen adeegga ay hayeen, islamarkaana aysan helin xuquuqdii iyo daryeelkii ay mudnaayeen.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamadaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabadan ay u arkaan mid muhiim u ah xoojinta ciidamada qaranka iyo ka shaqeynta amniga guud ee dalka.

“Waxaan hadda kadib si toos ah uga amar qaadan doonnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan ka shaqeyno sugidda amniga deegaannada Galbeedka gobolka Mudug,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysay ciidamada la soo bandhigay.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan xaqiijinta amniga deegaannadaasi, si loo diyaariyo jawi ku habboon qabsoomidda doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowladda federaalku qorsheyneyso.

Ku biirista ciidamadan ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kusoo aadeysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira nidaamka doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni, ayaa dhowr jeer hore uga digay ciidamada ay dowladda federaalku ka qoraneyso deegaannada Puntland, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay faragelin ku heyso arrimaha amniga maamulkaasi.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay qaadi doonto tallaabooyin ay isku difaaceyso haddii ay sii socdaan waxa uu ku tilmaamay “qalqalgelinta nidaamka amniga Puntland.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *