Guddiga doorashooyinka oo kasoo horjeestay tallaabo uu qaaday Guddoomiye Muungaab

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si cad uga horyimid magacaabistii qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee uu dhawaan sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in golayaasha deegaanka ee laga soo doortay doorashooyinkii ka dhacay Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa sharciyeysan, isla markaana ay yihiin hay’adaha rasmiga ah ee maamulaya degmooyinka gobolka.
Guddiga ayaa xusay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ay qabsoomeen 25-kii December 2025, islamarkaana la dhaariyay xubnaha la doortay 2-dii April 2026. Waxa ay tilmaameen in golayaashaas lagu dhisay si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda doorashooyinka ee jira.
Sidoo kale, GMDQS ayaa carrabka ku adkeeyay in xilka iyo mas’uuliyadda maamulka degmooyinka ay hadda si buuxda ugu wareegtay golayaasha deegaanka iyo hoggaankooda, ayna sharci darro tahay in la sameeyo magacaabis ka hor imaanaysa nidaamkaas.
“Tallabo kasta oo ka hor imaaneysa dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka ma laha sal sharci, waxna kama beddeli karto dhismaha maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ugu dambeyn, guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan:
- Ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka
- Hufnaanta doorashooyinka
- Xaqa iyo kalsoonida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee codbixiyeyaasha ah
Arrintan ayaa imaneysa xilli Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gubadleey, Deyniile iyo Shangaani, isla markaana Guddoomiyeyaal cusub uu magacaabay.










