Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Sawirro:- Ciidamo horleh oo ku biiray Ciidamada Laftagareen oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada duleedka Baydhabo
    LATEST NEWS

    Sawirro:- Ciidamo horleh oo ku biiray Ciidamada Laftagareen oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada duleedka Baydhabo

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor21 May 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta furimaha hore ee gobolka Baay lagu soo dhaweeyey Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee degmada Qansax Dheere iyo ciidamo uu hoggaaminayo, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray gulufka dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ee ay wadaan ciidamada taageersan maamulka hore ee uu hoggaamin jiray Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.

    Soo dhaweynta ciidamada cusub ayaa waxaa hormuud ka ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga ee dowladdii hore ee Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan oo ku sugan furimaha dagaalka. Munaasabadda lagu qaabilayey ciidamada ku soo biiray halganka ayaa ka dhacday mid kamid ah fariisimaha ciidamada ee gobolka Baay, halkaas oo masuuliyiin iyo saraakiil kala duwan ay hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyeen.

    Mas’uuliyiinta ka qeyb galay soo dhaweynta waxaa kamid ahaa Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah, Taliyaha Saldhigga Booliiska Baraawe iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka iyo ciidamada deegaanka.

    Saraakiisha halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ku soo biiraya gulufka ay muujinayaan taageero sii kordheysa oo loo hayo dagaalka dib loogu doonayo maamulka iyo gacan ku haynta deegaannada muhiimka ah ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay iyo caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

    Wararka laga helayo furimaha hore ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay si isa soo taraysa u kordhayeen ciidamada iyo saraakiisha ka goosanaya dhinacyadii hore ugula jiray maamulka Laftagareen, kuwaas oo hadda ku biiraya gulufka militari ee ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

    Ciidamadan ayaa la sheegay inay wadaan abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo lagu doonayo in dib loogu qabsado magaalada Baydhabo iyo deegaanno kale oo muhiim ah oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Baydhabo & xaaladda oo…
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaamacadda Carabta kala hadlay arrimo taagan
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d