LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaamacadda Carabta kala hadlay arrimo taagan

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadda Geeska Afrika iyo arrimaha amniga ee gobolka.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in wada-hadalku diiradda saaray xaaladaha kasoo kordhaya gobolka, gaar ahaan waxa lagu tilmaamay “galaangalka Israa’iil ee Geeska Afrika” iyo wararka la xiriira qorshaha maamulka Somaliland uu safaarad kaga furayo magaalada Qudus.

Labada dhinac ayaa si cad u muujiyay walaac ku saabsan tallaabooyinkaasi, iyagoo ku tilmaamay kuwo khatar ku noqon kara xasilloonida gobolka iyo midnimada mowqifka Carabta ee ku aaddan qadiyadda Falastiin. Sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo horseedi kara xiisado cusub oo ka abuurma gobolka Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee ururkaasi uu mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Jaamacadda Carabta ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta doorka ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga gobolka.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan saameynta quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika, iyadoo arrinta xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ay dhalisay falcelin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ballaaran gudaha gobolka iyo dunida Carabta.

Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyn ku baaqday in la xoojiyo wada-shaqeynta dalalka Carabta iyo kuwa Afrika si loo ilaaliyo amniga gobolka, loogana hortago tallaabo kasta oo keeni karta xasillooni darro siyaasadeed ama mid amni.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *