FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Baydhabo & xaaladda oo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ciidamo horleh geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, xilli halkaasi si weyn looga dareemayo qaban qaabada iyo diyaar garowga doorashooyinka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan cusub oo si aad ah u hubeysan, kuna qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa laga soo qaaday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada loo daabulay Baydhabo si ay u xoojiyaan amniga magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow, kuwaasi oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro iyo weerarro qorsheysan.

Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in dowladda Federaalka ay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada amniga ee Baydhabo, iyadoo laga cabsi qabo isku dayo lagu carqaladeyn karo doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada la geeyay Baydhabo ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu sugayo ammaanka goobaha muhiimka ah, xarumaha dowladda, iyo meelaha ay ka socon doonaan kulamada la xiriira hanaanka doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhabo si weyn uga socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka, siyaasiyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo hanaanka doorashada iyo xaaladda amni ee magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada ay kusoo bateen ciidamada dowladda iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo sidoo kale la adkeeyay baraha koontaroolada ee laga soo galo Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *