Sawirro:- Ciidamada AUSSOM oo Ku Biiray Burburinta Guryaha Shacabka ee Muqdisho

Xiisad xooggan ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, kaddib markii Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay maanta ku biireen howlaha lagu burburinayo guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaalla caasimadda.
Ciidamo wata gaadiidka cagaf-cagafyadda ayaa burburiyay qeyb kamid ah guri ay leedahay Haweeney lagu magacaabo Luul Maxamed Sheekh, oo ah gabar uu dhalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Guriga la burburiyay ayaa ku yaalla agagaarka Hotelka Madiina Gate ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaallaan Guryo badan oo ay leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Luul Maxamed Sheekh iyo Hooyadeed oo goobta ku sugnaa xilligii burburinta ay socotay ayaa isku dayay inay ka hor istaagaan ciidamada AUSSOM iyo shaqaalaha watay cagafyadda, balse dadaalkooda ayaan guuleysan.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Luul iyo Hooyadeed oo si caro leh uga hadlaya burburinta gurigooda, iyagoo sheegay in dhulka ay degan yihiin uu sharciyeysan yahay islamarkaana ay haystaan dhammaan dokumentiyada lahaanshaha.
Luul Maxamed Sheekh oo warbaahinta la hadashay kadib burburinta ayaa si toos ah ugu baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo fara-geliyo arrintaasi isla markaana uu joojiyo ciidamada burburinaya guryaha shacabka.
Waxay sheegtay in qoysaskooda lagu hayo cadaadis iyo barakicin aan loo marin hannaan sharci ah, iyadoo tilmaantay in dadka la burburinayo guryahooda ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo leh xuquuq sharciyeed.
“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweynaha inuu naga qabto ciidamada nagu soo duulay ee duminaaya guryaheenna, annaga oo heysanna sharciyadii dhulkan,” ayay tiri Luul Maxamed Sheekh.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan murano la xiriira dhulal iyo guryo ay dowladda sheeganeyso, halka shacabka qaarkood ay ku doodayaan inay si sharci ah ku leeyihiin lahaanshaha goobahaasi.










