Fadeexad:- Dowladda oo beenisay inay guryo u dhiseyso Dadkii ay barakicisay iyo fadeexad ka taagan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in aysan qorshe ugu jirin inay guryo u dhisto dadka laga saaray dhulalka iyo guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in masuuliyadda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ay ku kooban tahay dib-u-dejinta barakacayaasha Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Farxaan Cabdinuur, ayaa sheegay in dowladda aanay ballanqaadin in guryo la siinayo dadka laga burburiyey dhismayaasha ku yaalla Muqdisho, balse ay diiradda saarayaan qorshaha dib-u-dejinta dadka barakacayaasha ah ee muddada dheer ku noolaa xeryaha.
“Annaga ma odhan dadkii guryaha laga dundumiyey ayaan guryo siineynaa, howshaas annaga nooma taal, annagu waxaan dib-u-dejin u samaynaynaa barakacayaasha Soomaaliyeed oo ah ilaa afar milyan,” ayuu yiri Agaasimaha guud.
Hadalka kasoo baxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Farxaan Cabdinuur, ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya uu sheegay in ay Guryou dhisayaan Toban kun oo kamid ah dadkii Guryaha laga burburiyay.









